"Wad-nahaa Idheg Leh iyo Idhadhami Noqon Maayaan Heeso" .... Abwaan Dheeg


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 05, 2019 13:11:43
waxaasi heeso maaha waxaana loo baahan yahay in aynu iska eegno erayadda aynu adeegsanayno.

Hargaysa(HWN)Xildhibaan Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) ayaa Abwaanadda Dambe ee Sameeya Heesaha ku edeeyay in ay Noqdeen qaar aan u meel dayayn midhaha ay samaynayaan iyo micnaha ay xambaarsan yihiin.

Abwaanka oo ka hadlayay Madal Lagu Soo Bandhigay Buug koobsanaya Tariikhdiisii iyo waliba Gabayadda uu tirayay ayaa sheegay in ay samayn doonaan Guri lagu tababarayo Abwaanadda Sameeya Heesaha si looga tafatiro erayadda ay bulshadda u soo gudbinayaan iyo waliba qaabka ay u laba dhacaan Erayadu.

“Maalin Dhawayd ayaa nin waxa uu ku heesayay sida hiisha damalka ah,hiishinu waa tan yar ee aynu ku turaan tureeno markaas damashu waxa weeyaan Qudhaca Galoolka iyo




gobka dhirtaas waawayn ayuunbaa damasha samayn karta dhirta yaryarna damal lama Yidhaaho isaguna hiishii yarad ee lagu turaan turoonayay ayuu yidhi sida hiisha damasha ah,waxaasi heeso maaha waxaana loo baahan yahay in aynu iska eegno erayadda aynu adeegsanayno.

Intaas waxa uu ku daray Abwaan Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa siiwata.”Wad-nahaa i dheg leh iyo idhadhami noqon mayaan Heeso markaas waxaan idin leeyahay haku ciyaarina Af Soomaliga imika waxaanu idiin furaynaa meel aanu idinku tababarno imika guri wayn ayaanu maalmahan doonaynaa inaanu helno si aanu idiinku yeedho waxa hal abuur sameeyo oo dhan,markaas mid kasta oo gabay sameeyaa hadana hees ayuu ka dhigayaa markaas dadku wada abwaan maaha anigoo riwaayaddaha sameeya ayaan ahayn abwaan Oo imika ayaan ku soo dhadhaway,markaas maaha in cid kasta lagu yidhaaho waa abwaan.

HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.