Daraasad Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Natiijadeeda La Soo Bandhigay Lix Bilood Oo Ay Socotay Ka Dib


(Hadhwanaagnews) Sunday, January 06, 2019 22:06:27
Daraasad Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Natiijadeeda La Soo Bandhigay Lix Bilood Oo Ay Socotay Ka Dib

Hargeysa(HWN):-Daraasad la waday mudo lix bilood ah ayaa natiijadeedii lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Daraasadan ayaa  ku saabsanayd heerka raali ahaanshaha macaamiisha shirkada Telesom,  iyada oo daraasadani ay xustay in raali ahaanshaha macaamiisha shirkada Telesom uu noqday 86% kaas oo ah mid aad u heer sareeya marka la barbar dhigo shirkadaha caalamka ee bixiya adeegyada telefanooda gacanta.

Munaasibad lagu soo bandhigayey natiijada daraasadan oo shirkada talo bixinta ee Waayeel Consulting soo qaban qaabisay ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland, cilmi baadhayaal, xubno ka socday shirkadaha ganacsiga, masuuliyiinta rugta ganacsiga, hay’addaha madaxa banaan, masuuliyiin ka socday




shirkada Telesom iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa daraasadan sharaxaad ka bixiyey Dr. Maxamed Yuusuf(Proff Iqra) kaas oo ka socday jaamacada Alcayn, waxaanu yidhi ““Marka laga shaqaynayo cabirka raali ahaanshaha macaamiisha dedaal badan iyo wakhti badan ayaa ku baxa, meelaha laga samaynayana  lacag badan ayaa ku baxda, waxaana la yidhi haddii doonisi jirto waddo la maro ayaa jirta, cida kaliya ee tidhi noo sameeya daraasadan waa shirkada Telesom, shirkadaha kale xataa haddii loo tago waxa laga yaabaa inay yidhaahdaan waxba hanoo samaynina ee naga taga, dawladiina iyadii ayaa leh noo sameeyo oo shirkada Telesom lacagta hanaga bixiso, kana bixin mayso, in dawladu ay xarun samayso oo ay tidhaa anaga ayaa wadda bixinaynana ma jirto, ururada sameeya daraasadani waxay shirkad kasta ka qaadaan lacag iyada oo sanad kasta la soo saaro, markaa haday Telesom keentay ku odhan kari mayno cid kale ma joogtee idinkuna iska daaya balse waxay noqotay in la barbar dhigo shirkadaha kale ee caalamka ka jira.”

Maamulaha shirkada Waayeel Consulting Siciid Cabdilaahi Siciid oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey ujeedada ka dambaysa daraasadan waxaanu yidhi “Daraasadan waxa lagu eegayey raali ahaanshaha macmiilka jamhuuriyada somaliland iyada oo tijaabo loo qaatay shirkad ka mid ah shhirkadaha ugu waa weyn ee dalka ka shaqeeya, iyada shirkada Waayeel Consulting ay sharaf u tahay inaanu marti gelintan bixino, hadafka layskugu yimidna waa inaynu dhamaanteen ku faraxno oo aynu u dabaal dagno horu marka dalka ka socda oo ay ugu horayso tan aynu wadnaa oo ay tahay in la fahmo qiimaha uu leeyahay adeegu iyo qiimaha uu leeyahay loo adeegaha ama macmiilka ah oo xudunta shaqo kasta oo la qabanayo.”

Aamina Faarax Caarshe oo ka socotay rugta ganacsiga somaliland ayaa ka hadashay dedaalka ay muujisay shirkada Telesom ee daraasadani soo bandhigtay waxaanay tidhi “Warbixintan waxaan odhan lahaa dhinaca wanaagsan ayuunbaan ka eegayaa oo marka aynu nidhaahno raali ahaanshaha macaamiisheena marka la barbar dhigayo aduunyada kale waxaan dareemayaa in somaliland ay horumar samaysay, waxa kale oo aan dareemayaa in shirkada Telesom ay horumar samaysay, waxaanan leeyahay aqoonyahankii soo jeedinayey  cilmi badan ayaad noo kordhisay.”

Sidoo kale sucaad Carmiye oo ka mid ah aqoonyahanka somaliland ayaa iyaduna ka warantay daraasadan  waxaanay tidhi “ Cilmigani waa mid aad iyo aad loogu baahan yahay, dadkuna haddii aanay is qiimayn meelna uma socon karno halka aynu taaganahayna ma qiimayn karno, waxaanan leeyahay waa loo baahan yahay in la qiimeeyo dhamaan shirkadaha, waana loo baahan yahay in dawlada la qiimeeyo, wasiiraduna waxay ka cawdeen in kuyuu loo soo galo oo aanay ka shaqaysan Karin dadka laakiin waa in la qiimeeyaa sababta ay dadku wasiirka uun ugu qancayaan ee ay agaasimeyaasha iyo dadka kalaba u soo dhaafayaan, bulshada somaliland waxaan filayaa inay ku dhacday wax la yidhaahdo aamin la,aan ka mid ah sababaha keenay in wasiirka oo kaliya wax laga sugo.”

Cabdirashiid Muuse Iimaan  oo ka mid ah boodhka shirkada Telesom oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey macaamiisha shirkada oo uu sheegay inay keeneen natiijada ka soo baxday daraasadan waxaanu yidhi “Marar hore ayeynu goob joog u soo ahayn in marka uu qofku dedaalka sameeyo ee uu dedaalo ay kaligii ku kooban tahay  laakiin marka cid kale u qirto ayuu macno sameeyaa dedaalku, tana waxay ku soo biiraysaa hayaankii ictiraaf raadinta ahaa ee ay shirkada telesom ku jirtay, waxaanan u mahad celinayaa macaamiisha oo ah cida keentay natiijadan kuwaas oo ka jawaabay dedaalka aanu samaynaynay kuwaas oo qiray inay wax badan oo adeegyada shirkada Telesom ah ka raali yihiin.”

Sidoo kale wasiirka horumarinta maalgashiga somaliland Maxamed Axmed Cawad oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Maanta haddii lays qiimaynayo horumar weyn ayaa jira, waxaanan leeyahay shirkada Telesom halkaas ka sii wada.”

Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Technologyada somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Kolay anaga wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa in shirkadaha isgaadhsiintu hawlahan ay bilaabaan, sida ay wax badan u hogaaminaysay shirkada Telesom-na waa mid aanu aad u soo dhawaynayno, qaybo kale oo aanu ku dari doono xaga nidaamintuna way ku jiri doonaan, waxa ka mid ah Coverage-ka oo kale ganacsi ahaan shirkaduhu iskuma gaadhsiin karaan laakiin dawladuhu waxay u sameeyaan sanduuq lagu kabo,  imikana waxa u badan dadka xeebaha degan oo meelo badan aanu gaadhin adeega isgaadhsiintu taas oo ay sababtay dadka oo ku yar ama wadooyinka iyo wixii lagu gaadhayey oo aad u adag, waxana jira caqabado xoog badan oo shirkad kasta aanay kaligeed ka bixi Karin balse lagaga bixi karo qaab dawladnimo ah ama iyada oo layskugu tago taasna dawlad ahaan gacanta ayaanu ku haynaa.”

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.