Imisa Shaqaale Dawladeed Ah Ayaa Magac Badalid Loo Sameeyey?..Gudoomiye Sharmaarke Oo Soo Bandhigay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 09, 2019 18:10:02
Imisa Shaqaale Dawladeed Ah Ayaa Magac Badalid Loo Sameeyey?..Gudoomiye Sharmaarke Oo Soo Bandhigay

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa soo bandhigay tirada shaqaale dawladeed oo loo sameeyey magac badalid.

Gudoomiye Sharmaarke ayaa warbixin uu kaga waramayo tirada shaqaalaha magaca loo badalay oo uu saaray waxay u dhignayd sidan

Kadib markii ay soo dhamaatay saxar-tirka diiwaanka mushahar bixinta JSL isla markaana laga sifeeyey magac-dii aan jirin ama aan joogin iyada oo meel-na lagu hubsaday inta jiifta ama sabab macquul ah ku maqan ayaa waxaa socda buuxinta kaalmihii shaqo ee soo bannaanaday

Haddaba, Kadib markii ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u cadaatay in tiro badan oo kamid ah shaqaalaha derejada D “Shaqaale Hoosaadka” ka hawl-gala




xarumaha kala duwan ee Dawladdu ay ku shaqayn jireen magac aanay lahayn kuwaas oo mudo badan aan heli jirin magac bedel iyo caawin midna!

-Si taas xal looga gaadho, kulamo badan oo arintaa laga yeeshay kadib Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo la fulinayo Amarka Madaxweynaha JSL ee tixraacaya go’aamadii kasoo baxay kalfadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirada JSL kaasi oo faraya in magac bedel loo sameeyo shaqaale hoosaadka derejada D halkaas oo kuwa imika shaqada haya loo sameeyo magac bedel isla markaana loogu bedelo magacdii la waayey.

-Tallaabadan magac bedelka loogu samaynayo 248-ka Shaqaale ayaa qayb ka ah ujeedooyinkii laga lahaa tiro-koobkii Shaqaalaha Dawladda isaga oo hawl-qabadkani caawiyey shaqaale u badan hooyooyin sannado badan aan magac bedel loo samayn iyaga oo ku shaqayn jiray magac aanay lahayn halkaas oo shaqo badnaanta ay u wehelin jirtay werwer!

-Ugu dambayn, Shaqaalaha ku shaqeeya derejada D oo ah shaqaalaha ugu hawsha badan isla markaana mudan ixtiraam badan ayaa Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu magacii horay loogu yaqaanay oo ah “Shaqaale Hoosaad” si rasmi ah ugu bedeshay “Shaqaale Hawleed” iyada oo la dhawrayo niyada shaqaalahan sharafta badan.

 

Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.