Madaxwaynaah Cusub Ee Maamulka Puntland Oo Shirguddoomiyay Shirkii Golaha Wasiiradda


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2019 12:26:47
Madaxwaynaah Cusub Ee Maamulka Puntland Oo Shirguddoomiyay Shirkii Golaha Wasiiradda

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta guddoomiyaha shirka golaha wasiirrada, iyadoo uu dhinac fadhiyay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Cabdiweli Gaas.

Shirka waxaa kalo goobjoog u ahaa madaxweyne ku-xigeenka cusub,Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash ) iyo madaxweyne ku-xigeenka xilka ka dagaya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey).

Kulanka wasiirrada uu waqtiga ka dhammaaday iyo madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa faahfaahin ka bixiyay qodobbadii ka soo baxay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha ,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jacel), waxa uu sheegay in madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu faray si deg deg ah inay shaqadoodda ugu laabtay wasiirrada,guddoomiyaasha gobollada iyo agaasimayaasha , si loo dardar-galiyo howlihii dowladda ay




u haysay shacabka.

Madaxweyne Deni , waxaa kalo uu shirka ka sheegay in laga gudbay waqtigii ololaha iyo kala qaybsanaanta, loona gudbay wadajir, wada socod iyo shaqada dowladda. Sidoo kale waxa uu ka digay in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka, isagoo hay'adaha ammaanka iyo shacabka ka dalbaday in la ilaaliyo amniga guud iyo dowladnimadda.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.