War Deg Deg Ah:-Golaha Guurtida Oo Layskugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn.


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2019 13:12:50
War Deg Deg Ah:-Golaha Guurtida Oo Layskugu Yeedhay Fadhi Aan Caadi Ahayn.

Hargeysa(HWN):-mudanayaasha golaha guurtida somaliland ayaa lagu war geliyey inay iskugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn oo qabsoomi doona maalinta sabtida.

Xoghayaha golaha guurtida somaliland Cabdinaasir Beegsi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in fadhiga mudanayaashu uu la xidhiidho warqad codsi ah oo uga timid madaxweynaha somaliland.

Xoghaye Beegsi ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland waxa uu golaha guurtida soo gaadhsiiyey warqadii laga sugayey ee qaranka muhiimka u ahayd , sidaas darteed shirgudoonka golaha guurtidana waxa ka soo baxay qoraal lagu tixraacayo warqadaas kaas oo ah in dhamaan mudanayaasha golahha guurtida layskugu yeedhayo kalfadhi aan caadi ahayn maalinta sabtida  kaas oo lagu




soo qaadi doono arimo muhiim u ah qaranka somaliland.”

Xoghayaha golaha guurtida oo la waydiiyey ujeedada xildhibaanada layskugu yeedhayo ayaa waxa uu yidhi “Salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaa, waxaan odhan lahaa warqadan iyo ujeedada ay xambaarsan tahay marka fadhiga goluhu furmo laakiin ujeedada layskugu yeedhay xildhibaanada golaha guurtidu fadhiga aan caadi ahayn si waafaqsan dastuurka, warqadaasna maalintaas ayaa la akhrin doono, waxaana laga codsanayaa dhamaan mudanayaasha golaha guurtida in fadhigaas oo qaranka muhiim u ah ay ka soo qayb galaan.”

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 

Email:- [email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.