Kaftanka maanta , Iyo qaar kaloo badan iyo qaar kaloo badan...W/Q Axmednuur Guruje


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2019 13:24:12
Kaftanka maanta , Iyo qaar kaloo badan iyo qaar kaloo badan...W/Q Axmednuur Guruje

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waxa la yidhi beribaa Abwaanka wayn ee la yidhaahdo Maxamed Aadan Dacar ayaa sameeyey hees jacayla oo uu ku xusay magacyada abwaano ka mida abwaanaddii waagaas saaxadda.

suugaanta ku jirey ,ereyada heestaana waxaa ka mid ahaa

Qays iyo cilmuu diley ,
qaansee Huryiyo Sulub ,
Cali Sugule qiil geli ,




/> Qarshe iyo Ismaaciil

dabeeto heestii intii aan lasoo saarin , ayuu kusoo bandhigay meel abwaano badani joogeen , markaasaa Abwaan Huryo oo la kaftamayay Dacar ku yidhi , waar nin yahow heesti qolo ayay kaa noqotaye , waxaad ku dartaa iyo qaar kaloo badan , iyo qaar kaloo badan .

Markii heesti faaftay , ayaa sidii Huryo horre u sheegay la qabsaday Dacar , iyadoo laggu qaanabayo maxaad heesta noogu soo dari wayday , isna wuxuu ku jawaabay , sawniga idinku daray ee idhi maaha , iyo qaar kaloo badan , iyo qaar kaloo badan , dee qaarkaa kalaa ku jirtaan .

Imika waa halkaase , soo dhawayntii Madaxwaynaha iyo waftigiisa ee Gobolada barri , waxay u muuqataa , waftiga waxaa soo dhawaysay Beesha Garxajis iyo qaar kaloo badan,iyo qaar kaloo badan , markaa dadka la wada xusye yaan la kala xanaaqin .




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.