Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Oo Dab Xoog Badani Ka Kacay Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Thursday, January 10, 2019 20:49:34
Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Oo Dab Xoog Badani Ka Kacay Iyo Khasaaraha Ilaa Hada Ka Dhashay

Muqdisho(HWN):-Dab xoogan ayaa goor dhawayd ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo ka kacay qaybta lagu iibiyo dharka isticmaalka labaad ayaa ku fidaya qaybaha kale ee suuqa iyada oo dad goob joogayaal ahi sheegayaan inuu yahay mid aad u xoogan.

Dadweyne shacab ah ayaa gurmad culus kaga jira sidii ay dabka u bakhtiin lahaayeen iyada oo ciidamada amaankuna ay isku dayayaan inay kala kaxeeyaan dadweyne ku soo xoomay goobta uu dabku ka kacay,iyada oo laysku dayayo in la badbaadiyo qaybaha aanu dabku ku fidin ee suuqa bakaaraha.

Wararka ayaa hada xaqiijinaya in dabka ka kacay suuqa weyn ee bakaaruhu uu




gaadhay qaybta lagu iibiyo dharka huudhaydhka ah ee suuqaasi iyada oo ay jirto hanti badan oo uu baabiiyey mudadii uu dabkaasi ka kacay suuqa.

Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid ay hanti badan taalo iyada oo lagu tilmaamo uu ka mid yahay suuqyada waa weyn ee geeska afrika ku yaala.

 

Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.