Halkee Ayey Iska Seegeen Dawladaha Ingiriiska Iyo Soomaaliya?...Wargeyska Independent Oo Warbixin Ka Diyaariyey


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 14:28:27
Halkee Ayey Iska Seegeen Dawladaha Ingiriiska Iyo Soomaaliya?...Wargeyska Independent Oo Warbixin Ka Diyaariyey

London(HWN):-Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka  Ingiriiska ee loo yaqaan Independent ayaa  daboolka ka qaaday sababta keentay in wasiirka difaaca dalkaasi uu safar ku yimaado isla markaana meesha ka saaro mid u qorshaysnaa inuu ku tago Muqdisho.

Wargeyska ayaa warbixin uu daabacay kaga waramay halka uu ka istaadhmay khilaaf soo kala dhex galay dawladaha soomaaliya iyo Ingiriiska.

Wargeyska oo ka hadlaya waxyaabaha joojiyey socdaalkii uu wasiirka difaaca Ingiriisku ku tagi lahaa soomaaliya ayaa waxa uu warbixintiisa ku yidhi “Talaabadii ay dawlada soomaaliya ku eriday ergaygii qaramada midoobay ee Nicholas Haysom  waxay si toos ah u keentay in wasiirka difaaca ee dalka




Ingiriiska Gavin Williamso  uu joojiyo socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Muqdisho iyo kulamo uu la qaadan lahaa madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed  iyo wasiiro ka tirsan xukuumada soomaaliya.”

Wargeyska Independent oo warbixintiisa sii wata ayaa sheegay “ Danjire Nicholas Haysom ayaa la waydiistay inuu dalka ka baxo ka dib markii uu dawlada soomaaliya waydiiyey su,aalo ku saabsan qabashadii Mukhtar Robow iyo qaabka ay ciidamadu uga jawaabeen mudaharaado ka dhacay xarunta maamulka koonfur Galbeed ee Baydhabo.”

Wargeyska ayaa sidoo kale warbixintiisa ku soo bandhigay wadamo joojiyey caawimadii dhaqaale ee ay siin jireen ciidamada soomaaliya ka dib xiisadii ka dhacday Baydhabo “Wadamada UK, Jarmalka iyo midawga Yurub ayey wararku sheegeen inay hakiyeen taageeradii dhaqaale ee ay siiin jireen ciidamada booliska ee Baydhabo, iyada oo danjire Nicholas Haysom uu ku war geliyey wasiirka amniga gudaha ee soomaaliya inay jiraan masuuliyiin mudan in talaabo laga qaado kuwaas oo ay saraakiil ciidan ku jiraan.”

Wargeyska ayaa sheegay in dawlada soomaaliya ay ku wargeliyey xoghayaha guud ee qaramada midoobay inaanay sina u aqbalayn inuu soo noqdo wakiilkii ay eriday ee qaramada midoobay.

Sidoo kale warbixinta wargeyska Independent ayaa lagu xusay in dawlada soomaaliya ay aamusnaan kaga jawaabtay talaabooyinka is xig xigay ee ay qaaday dawlada Ingiriiska ee kala ahaa ka noqoshada safarkii uu wasiirka difaaca UK ku iman lahaa Muqdisho iyo dareenka ay dawlada Ingiriisku ka muujisay eryidii wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya.

 

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixintaas




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.