War Cusub Oo Laga Soo Saaray Kalfadhigii 4aad Ee Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 14:42:48
War Cusub Oo Laga Soo Saaray Kalfadhigii 4aad Ee Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(HWN):-Aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaray kalfadhigii 4aad ee golahaasi u socday.

War qoraalah oo uu soo saaray gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa lagu sheegay inuu xidhmay kal fadhigii 4aad ee aqalka sare.

Warqaddan ayaa dhammaan Senotarrada Aqalka sare loogu sheegay in uu xirmay Kal-fadhiga 10-ka Bishan Jannaayo 2019-ka, isagoo dib u furmi doono 10-ka Misha March ee isla Sanadkan, sida lagu qeexay go’aankii Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare kulankoodii 14-aad ee qabsoomay 5-tii Bishan Jannaayo.

Go’aankan ayaa loo cuskaday qodobbada 74-aad iyo 23-aad ee Dastuurka ku meel gaalka ah,




kaasoo qabo in Goluhu uu Sanad kasta yeelanayo Laba Kal-fadhi, mid kastana uu socon doono muddo Afar Bil ah.

 

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeysa aqalka sare iyo golaha shacabka uu xumaaday ka dib markii aqalka sare loo gudbin waayey miisaaniyadii la ansixiyey ee sanadka 2019-ka.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.