Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Digay Khataro Somaliland Ku Soo Fool Leh


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 15:11:05
Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) Oo Ka Digay Khataro Somaliland Ku Soo Fool Leh

Hargeysa(HWN):-Ugaas Axmed Maxamed Siciid(Cali Mahdi) oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa ka digay khataro uu sheegay inay dalka ku soo fool leeyihiin.

Ugaas Axmed Maxamed Siciid oo Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyey war qoraal ah oo uu ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku yidhi:-

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Ugu horeyn waxay mahadi u sugnaatay Allaha(swt) inaga dhigay Umad islaam ah oo waxa sana is fara waxa xuna iska waaniya.

Waxaan salaamayaa dhamaan Umadda Reer Soomaaliland debed iyo gudo goor kasta iyo goob kasta oo ay joogaanba.

Waxaan jeclaystay maanta inaan wax yar farta inoogu fiiqo khataraha Dalkan iyo




Dadkan ku soo fool leh, haddaan si wadaninimo leh looga hawl gelin oo aan waliba si xishmad leh gabashana lahayn u bar tilmaamaysanayo:-

- Madaxdhaqameedka daneeya ta guud.
- Siyaasiyiinta ka fayoow xilka iyo doonistiisa.
- Aqoon yahanka maskaxdiisa leh.
- Culimada ku dhegen qawlka Eebbe(swt) iyo sunnihii Nabigeena(scw).
- Iyo cidii xilka guud damqayo.

Waxaynu maalmahanba arkaynay muran, dhafoor taabasho,I arkaay I maqlaay ka dhex socotay seddexda xisbi “Qaran” oo u muuqday Isma dhaantiyo dhasheed ama “Kala magac isku macne” iyo tudhaale la’aan.

Taasi waxay ku beertay dadweynihii dareensanaa dhibtii loo soo maray Dalkan baqe iyo maxay noqon iyo mays qaadi karaa.

Waxaan ku boorinayaa xisbiyada iyo cida hogaaminaysa inay u naxaan maatida iyo maxasta salka ka fadhiyi la’a oo masiirkoodii arkaya sida uu yahay.
Waxa kale oon Madaxweynaha iyo Xukuumadaba xusuusin lahaa inaan la ilaabin maah maahdii ahayd “Nin waynbaa wallaal og”,(hada dulqaadku ceeb maaha,dala’si iyo Nin liid maaha).

Waxa kale oo dhamaan waajib inagu ah inaynu la socono dhaqdhaqaaqa ka socdo jaararkeena iyo mandaqada aynu ku noolahay oo saamaynteeda inagu leh.
Yaynaan noqon sidii carruurta markuu jinacu qaniino eego halka laga qaniinay in yar kadibna ilaaba.

Gunaanad ahaan, Dalka iyo Dadka haloo tudho, haloo naxo umadda baahida iyo sixir bararku daashaday yay kalifin inay cida sare ku xusani talaabo badbaado ka tashadaan.

Hadal waa iga intaa hawraarina waa intan:-

ALLAW SAHAL
Inkastoon ilaashoo
Afka xidho idhaahdaba
Aqoon lama dabooloo
Dhibta aad arkaysana
Ka adkaysan mayside
Allaw sahal amuuraha

Edebtiyo akhlaaqdiyo 
Dhaqankiyo Asluubtaa 
ku ilhaaminaysoo
Anshaxii dadkeeniyo
Asturaad ku hadashee
Allaw sahal amuuraha

Arrinkeeni dhaqankee
Ardaydiyo carruuraha
Lagu soo anqariyee
Aflagaado iyo ceeb
Kaa af waajinaysee 
Allaw sahal amuuraha

Ku darsoo awoodii
Adduun laysa siiyiyo
Uurkoo laysu buuxshaa
Ehelnimadi dhaaftoo 
Af dhabaandhab weeyee
Allaw sahal amuuraha

Mar hadduu abwaankii 
Hal abuurkii weynaa
Dhibta iyo abaaraha
Ka arkaayo sheeddoo
Afka gacanta saareen 
Allaw sahal amuuraha

Ana taagni iyo orod
Waxaan idhi itaalkay
Waa La wada ilaaboo 
Dadka kii il dheeraa 
Aayar joog i leeyee
Allaw sahal amuuraha

Marka uu albaabkiyo
Iridaha Ka wada xidho
La arkee dharaartaa
Wixii nool addunyada
Bal inay ogaadaan
Anigiyo odoros hore

Geeloo ooda jabiyoo
Aarankiyo horweynkii
Oohobayda diidoo
Ka ardaaga jiifaa
Alif alif wax sii dheer
Tahli waayo baa iman

Amuurahan is wada galay
Ogoobeey afeef iyo
Eray iyo hal dhaan wade
Balaan sii idhaahdee
Mar horaad il duuftoo
Ubadkii Bahalku kaa cunay

Maantana waxbaa uray 
Arke wuu arkaayoo
Uubta laysu qodayaa
Aad bay u dheertee 
Hadaad eegi waydaan 
Arr dambaad ka sheekayn.

Allaahu ma hal balaqta
Idinkiyo ayaankiin




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.