Nuxurka Wadda Hadal Ay Yeesheen Madaxweynaha Djibouti Iyo Wasiirka Difaaca Itoobiya


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 15:37:09
Nuxurka Wadda Hadal Ay Yeesheen Madaxweynaha Djibouti Iyo Wasiirka Difaaca Itoobiya

Addis Ababa(HWN):-Wasiirka difaaca dalka Itoobiya Eng Aicha Mohammed ayaa kulan la qaadatay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka difaaca ayaa madaxweynaha Djibouti gaadhsiisay fariin ay uga siday raysal wasaaraha dalka Itoobiya  Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Geelle iyo wasiirka difaaca Itoobiya Aicha Mohammed ayaa ka wada hadlay qodobo la xidhiidha arimaha geeska Afrika iyo mashaariic dhinaca horumarka ah oo u dhaxeeya labadooda wadan.

Wadamada Djibouti iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh muhiim ah iyaga oo iska kaashada dhinacyada horu marka  isla markaana doonaya inay hormood ka noqdaan isbadalka dhinaca dhaqaalaha ee ka socda geeska Afrika.









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.