Madaxwayne Muuse ,Tijaabo siyaasadeed maanta ugu horaysa.


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 16:20:20
Madaxwayne Muuse ,Tijaabo siyaasadeed maanta ugu horaysa.

 

Madaxwayne kastaa markuu talada yimaado , wuxuu maraa tijaabo siyaasadeed , taasoo natiijada uu ka keenaa ay noqoto sawirka waayihiisa danbe siday u eekaanayaan .

Tusaale , Madaxwayne Riyaale markuu talada qabtay 2003 , wuxuu dhaxlay muran siyaasadeed , doorasho lagu qaybsamay iyo itaal dari dawladeed , intaana waxa usii dheeraa mucaarid xoogan aadna u habaysan.

sanadii 2005 labadii aqal ee Baarlamaanku waxay cod wayn oo aqlabiyada ku ansixiyeen in doorashada horteed la sameeyo diiwaan gelin , si dadka loo tira koobo , ka dibna kuraasida lagu qaybiyo .

Saamiga kuraasida laguma heshiis ahayn , bulshada iyo axsaabtuna doorasho ayay rabtay ,




goleyaashina xeer doorashooyinka dib u dhigaya ayay ansixiyeen .

Mr riyaale intaas oo caqabadoodba intuu ka dul talaabsaday ayuu doorashadii baarlamaanka qabtay isla sanadii 2005 , tajaabadaa ka dibna Somaliland iyo Riyaaleba waxay noqdeen kuwa aad looga haybaysto .

Muranka ku saabsan qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka iyo qabsoomida/qabsoomid la'aanta doorashaduna , waa tijaabadii ugu horeysay ee siyaasadeed ee soo martay hogaaminta Madaxwayne Muuse,natiijada uga soo baxdaana waxay noqon doontaa mid qaabayn doonta waayihiisa siyaasadeed ee soo socda.

 

W/Q Axmednuur Guruje




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.