Dib U Milicsiga Mashaariicdii Imaaraadka Iyo Somaliland Kala Saxeexdeen..W/Q Diyaarintii A. A Mohamed


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 16:57:31
Dib U Milicsiga Mashaariicdii Imaaraadka Iyo Somaliland Kala Saxeexdeen..W/Q Diyaarintii A. A Mohamed

Waxaanu si taxane ah idiinku soo gudbin doonaa xog dhab oo kahadlaysa Mashaariicda Somaliland & Emirates ka waana qaybtii 1AAD tani

Sida aan wada ognahay waxaa laga joogaa mudo hal sano & 9-bilood ah heshiisyadii maalgashiga ahaa ee Emartes ka & Somaliland wada galeen kuwaasoo ka koobnaa ama ahaa 1. Heshiiska Maalgashiga Dekeda Ee DPW lala galay 2. Heshiiska Saldhiga Melery Ee Dowlada Imaaraatka Lagu Wareejiyay 3.Mashaariicdii Loogu Bedelay Somaliland Base-ka oo kala ahaa Airport kii Dowliga ahaa ee ganacsiga & Wadadii Berbera Cooridoor 

Hadaba waxaan qodob qodob isu dul taagi doonaa heshiisyadaas & waxyaabihii lagu xusay heshiisyadaas iyo ilaa hada sida ay wax usocdaan

1. Ugu Horayn waxaan is dul




taagaynaa heshiiska 1aad oo ah Heshiiska DWP & Somaliland wada galeen ee maalgashiga Dekeda hadaba heshiiskaas oo sida aan wada ognahay faahfaahintiisa ay cadeeyeen DWP & Somaliland ba kuna xusnaa nuxurkii lamariyay baarlamaanka ee ay ansixiyeen kaasoo qodobada ugu mihiimsani ahaayeen sidan 

In guud ahaan lagu maalgeliyo Dekeda lacag dhan 442-Million Dollar 

 In mudada maalgashigaasi jirayaa ahaato 30-sano

 In saamiyada heshiiska loo kala yeesho DWP-51% Somaliland-30% Ethopia-19% 

In Lacagtaas lagu fuliyo (dhiso) laba dekedood oo midkiiba tahay 400M & dhulka ku wareegsan dekeda & daryeelka & qalabaynta dekedii hore

 In lacagtaas aan soo sheegnay ku salaysantahay baahiyahan sare ku cad laguna qiimeeyay  In dekeda 1aad oo ah 400M ahna Terminal Container labilaabo sanadka 1aad ee heshiiska lagalay laguna dhameeyo mudo 2-sano ah halka dekeda 2aad ee 400M ah loogu talo talo galay in ladhiso marka ay Dekeda 1aad & dekedii hore wada shaqeeyaan isla markaana ay noqoto shaqadoodu mashquul gaadha 70%

 In dekeda hore ee Somaliland kamid tahay maalgashiga 442 Miilion ah laguna wareejiyo DWP Dekeda & shaqaalaheedaba

 In company ga maamulaya dekeda Boards ka ay wada yeeshaan 3-da dowladood loona bixiyo DWP Berbera Kaasoo Yeelanaaya Board Maamulka Somaliland leedahay 3 Member oo yeelanaaya awooda Vito Power ka 

 In DPW ay soo kordhiso macmiil & suuq cusub oo isticmaala dekeda korna uqaada wax soo saarka dekeda maadaama la maalgeliyay

Hadaba Iyadoo heshiisku ka balaadhnaa intan hadaan kasoo qaadano qodobadan kooban oo ah meelaha laga xusi karo xisaabta maalgashi ee dhinacyada heshiiyay. Sidaas awgeed milicsiga & qiimaynta aynu doonayno inaan ku samayno qodobadan heshiiskan waxay ku fadhidaa qiimayn farsamo oo ubaahan inaan is dultaagno xisaab ahaan & ficil ahaanba taasoo marka laga hadlaayo maalgashi & ganacsi ay cid kastaa taqaano qaabka loo raaco ha ahaato islaanta caanaha iibisaanee iyadoo lawada garanayo shuruudaha & xeerarka maalgashigu leeyahay, halkaas marka ay joogto waxaan Farsamo ahaan faahfaahinaynaa qodobadan sare ku xusan mid mid

Aan ku horayno dhanka Somaliland danaheeda

Waxaan is waydiinaynaa ilaa hada maxaa ugu fulay Somaliland heshiiskii? Wixii aan ka fulin maxaa sabab loo hayaa? Aan qodob qodob ugu noqono 

Waxaan soo sheegnay in maalgasha guud yahay 442Million kaasoo Somaliland ku yeelanayso 30% lamida  $132,600 qiimahan oo ay kujirto dekedii hore ee shaqaynaysay ee Somaliland balse aan lacadayn qiimaheeda rasmiga ah ee heshiiska ay ugu jirto qiimo ahaan laakiin sida ilo xogogaali sheegeen in lagu qiimeeyay cadad lacag udhiganta ilaa 100Million oo dollar iyadoo baaqiga hadhay Somaliland kaatsh ahaan looga rabo si 30% keedu ubuuxamo hadaba meelaha u baahan iftiiminta ee aan cadayn waxaa ka mida Tusaale ahaan arimahan

I. Maadaama heshiisku dhigaayo in maalgashigu yeelanaayo qaybo loo kala fulinaayo sida dekeda 2aad ee cusub oo ku xidhan baahida iman doonta sidoo kale Somaliland na ay haysato deked dhamaystiran oo shaqaynaysa qiimaheedana lagu sheegay qiyaas ahaan 100Million Dollar.

suaasha 1aad ayaa ah muxuu noqonayaa qiimo ahaan qaybta 1aad ee maalgashigu marka laga reebo dekeda hadhaysa ee aan weli la gaadhin baahideeda si aan u ogaano 30% keenii ma inagaa daalac leh mise waxbaa laynagu leeyahay? 

Su,aasha 2aad ayaa ah mar hadii DWP lagu wareejiyay dekedii isla markaana aan weli ladhisin dekedii 1aad ee heshiisku dhigaayay in sanadka koobaad lagu dhiso laguna dhameeyo 2-sano iyadoo aan wakhtigaas dhismaha dekeda cusubi socoto aan lasheegin wax soo saarka dekeda hore ee jirta & sida loo kala leeyahay iyadoo lagaran karo in faa,iidadu bilaabanto marka maalgashigu fulo inagoo og in dekedan hore tahay hanti Somaliland leedahay halkaas oo ay ka muuqato ILDUUF waxaanan odhan karaa waata sababtay in mudadii heshiisku dhigaayay uu fuli waayo maal gashigii

Su,aasha kale ee 3aad ayaa ah dekedeenan shaqaynaysa halkay faa,iido qaybsiga kasoo gelaysaa DWP? 

Waxaa Iyana su,aal ah hadii mudadii DPW ay dekeda gacanta ku haysay ay gelisay dayactir & qalab ama gaadiid kaasoo laga soo iibiyay dakhligii dekeda miyaanu inoo kordhayn qiimihii dekedeenu uu ahaa markii hore

2. Sida ku cad heshiiska waxay Somaliland yeelanaysay xubno kamida Board ka maamulaya dekeda balse ilaa hada maqal mooyaane lama hayo meel ay ka howl galeen xubihii Somaliland metelaayay waxaana inoo muuqata inay socoto shaqadii ay umeteli lahaayeen dalka & dadka Tusaale ahaan waxaan maqlaynay in lagu dhawaaqay Dhismihii dekeda 1aad oo lasiiyay company Emarates ah iyadoo halkii qandaraaskaas lagu bixinayay aanay cidi ka joogin Somaliland waana shaqadii Board ka ilaa hadana lama cadayn qiimaha lagu bixiyay & qaabka loo maray haday Bed tahay ama procurements ba ha ahaatee

Waxaa iyada lays waydiinayaa DPW malala ogyahay nidaamkeeda xisaabaad & dakhliga kasoo xareedo dekeda mase laga sameeyaa Financial Statements (Warbixin Maaliyadeed) loo gudbiyo haayadihii ku shaqada lahaa 

waxaa kaloo ilaa hada aan la ogayn meeluu marayo Free Zone kii oo qayb ka ahaa heshiisyada 

waxaa Iyana lays waydiinayaa ilaa hada DPW masoo kordhisay wax macmiil cusub ah oo isticmaala adeega dekeda taasina waxaan odhan karaa waa maya ilaa hada lama hayo wax cusub oo ay kusoo kordhisay dekeda 

waxaa Iyana lays waydiinayaa goorma ayay bilaabantay ama bilaabmaysaa xisaabtii maalgashi ee lagu heshiiyay ma marka maalgashigu fulo mise markii DPW dekeda lagu wareejiyay 

hadaba waxaan halkaas ku hakinaynaa meelaha ubaahan iftiiminta heshiiskaas dekeda berbera & feedback-ga kasoo noqday mudadaas iyadoo ilaa hada bulshadu ku jahawareer santahay sida wax usocdaan fahmina layihiin iyadoo dowlada looga fadhiyo inay dadka qanciso ugana jawaabto su,aalahan mihiimka ah maadaama dekedu tahay adhaxdii qaranka ee lawad eeganaayay

 

Qaybtii 1aad

Prepared By A A Mohamed

Free Analyser Report




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.