Ciidamada Booliska Maraykanka Oo Qabtay Ciyaaryahanka Wayne Rooney Iyo Sababta Keentay Xukun Lagu Riday


(Hadhwanaagnews) Friday, January 11, 2019 22:32:48
Ciidamada Booliska Maraykanka Oo Qabtay Ciyaaryahanka Wayne Rooney Iyo Sababta Keentay Xukun Lagu Riday

Washington(HWN):-Ciyaaryahanka Wayne Rooney ayey ciidamada amaanka ee dalka Maraykanku qabteen ka dib markii ka soo dagay isaga oo isticmaalay maandooriye.

Kabtankii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka Ingiriiska ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dallas ee gobolka Virginia ka dib markii uu ka soo laabtay safar hal maalin qaatay oo uu ku tagay wadanka Sucuudiga.

Rooney oo 33 jir ah ayaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag ganaax ah oo gaadhaysa $25  oo dolar iyo $91  oo kharashaad ah.

War uu soo saaray afhayeen u hadlay  ciyaaryahankan Wayne Roone ayaa waxa lagu yidhi “Intii lagu guda jiray duulimaadkii uu kaga soo laabanayey Sucuudiga waxa uu




cunay kiniinka hurdada oo lagu daray Alkohal taas oo sababtay inuu garoonka diyaaradaha soo gaadho isaga oo wax badan kala garanayn.”

Afhayeenka u hadlay ciyaaryahanka Wayne Rooney ayaa intaas raaciyey “Waxa soo gaadhay ciidanka booliska kuwaas oo qabtay isla markaana ku xukumay xukun aan buurnayn.”

 

Halkan Guji Si Aad Warbixintas Oo Dhamaystiran U Akhrisato




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.