Hanaanka Loo Marayo Ansixinta Wasiirada Cusub Ee Maamul Goboleedka Puntland Oo Baarlamaanku Ansixiyey


(Hadhwanaagnews) Sunday, February 10, 2019 13:35:00
Hanaanka Loo Marayo Ansixinta Wasiirada Cusub Ee Maamul Goboleedka Puntland Oo Baarlamaanku Ansixiyey

Garoowe(HWN):-baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen ku go’aamiyey qaabka ay u ansixin doonaan xukuumada uu soo dhisi doono madaxweyne Siciid Deni.

Fadhiga ay yeesheen xildhibaanada maamulka puntland oo ay ka soo xaadireen 53 xildhibaan ayaa lagaga dooday habka loo marayo ansixinta wasiirada cusub ee madaxweyne Deni

Xildhibaanadu waxay si adag uga doodeen in duuduub hal mar codka loogu qaado wasiirada iyo mid mid loogu codeeyo isla markaanay baarlamaanka kali kali u horyimaadaan.

Laba jeer oo ay xildhibaanadu codka u qaadeen habka loo marayo ansixinta golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayey




tiro isleeg noqdeen balse markii sadexaad ayey xildhibaanadu u bateen in xukuumada codka kalsoonida loogu qaadi doono si duuduub ah.

Xildhibaano gaadhaya 26 mudane ayaa u codeeyey in si duuduub ah codka loogu qaado wasiirada uu soo dhisi doono madaxweyne Deni halka 24 xildhibaan ay u codeeyeen in wasiiradu ay mid mid u horyimaadaan golaha isla markaana masuul kasta lagu qiimeeyo kartida uu leeyahay, aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa halka sadex xildhibaana ay ka aamuseen.

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu dambayn sheegay in hal codka kalsoonida loogu qaadi doono golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono madaxweynaha cusubi.

 

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.