Hargeysa(HWN):-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac(Dafac) oo xilalka gudoomiye iyo agaasime ka noqday xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa shaaciyey inuu wareejiyey guud ahaanba maamulkii uu ka hayey xaruntaasi.
Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa sheegay inaanu meelna ku matali doonin xaruntaasi isla markaana uu wixii hada ka dambeeya ka madax banaan yahay.
Qoraalka garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa u dhignaa sidan:-
Xilkii aan ka hayay Xarunta Xuquuqal Insaanka, gudoomiyenimo iyo ku-sime agaasime, labadaba waan ka tegay oo hada xil habayaratee kama hayo. Markaa reer Somalilandow sidaas ula socda. Xaruntu maamul kale ayay leedahay oo hawleheeda wada. Anigu waxaan idhaahdo
kuma metelo Xarunta, loomana tiriyo. Si taas la mid ah Xarunta iyo hawleheeda la iima tiriyo. But I love the Centre more than anything else. Ilaahay ha la jiro.
Hadhwanaagnews.com