Dr Sacad Cali Shire Waa Khal-KHal.Com ( Abdi-Shotaly)!


(Hadhwanaagnews) Monday, February 11, 2019 08:23:53
Marka aad eegtid sidda uu wax u wado iyo is bedelka xawliga ku socdda ee joog-tadda ah, waxa ugu wacan baa la odhan karaa,


 
Cajabooy-Cajiibeey, sawtan murugtay, is dhex qaaday, saliiddii iyo biyahii isku dartay, siddii baabuur kadhaale ah oo iksu dhex daatay, maalin-ba si u hadlaysa, wixii shalay ay yidhaaheen, maanta la dafiraayo, sinaba lagu adkaysan la'yahay. Caynkan maxaa keenay? Xaaldan uu wareer-ba-wareer sii bara-kicinaayo? Waxan maqli jirey, hebel wuu hashkaday-nayaa, oo micna-heedu yahay, qofka markaa laga hadlaayo baa la garan la'yahay, ujeedo iyo ka jeedo uu leeyahay, sidda uu beryahan dambe u nool yahay ama u ceeshaayo iyo ka-dhaafka uu ku hadlaayo, ee weliba sidda qayrul-macquulka ah isu soo taraaya, oo raadkii shalay uu ka maanta masaxaayo,




sabab-tuna ay tahay,  wax aan la ogayn baa iska bedeley, caadiggii uu ruuxaasi lahaan jirey ama lagu yaqaanay. Akhristaw Dr Sacad Cali shire ma is tidhaaheen waxa ku dhacay " Khal-khal.com" oo xaal-kiisu imika waa bariga dhexe iyo shimbir garab li'i, wax ma garatee, bal xagan u gudub, Sheekaddii laaduudda lagu ciyaari jirey ee ahayd " Duq Jambayn Baaya Giib Saani", taas oo ahayd, dhan walba kaga dhufo iyadda baa saaxiga keeni doontee, si kaste-ba ahaado xaal-kuye, Dr Sacad wakhtigan way ka dhabaqsan tahay, oo wixii kaste ee uu far saaro-ba, hadana dib buu isagu u masaxayaaye, yaa ii sheegaaya sidda uu xaalku yahay?
 
Marka aad eegtid sidda uu wax u wado iyo is bedelka xawliga ku socdda ee joog-tadda ah,  waxa ugu wacan baa la odhan karaa, laba wax miduun weeye, arimaha ka soo burqa-naaya Wasiirka maaliyadda Dr S.C. Shire, ilayn ma waala'e, inkasta oo xaaraantu ay bedesho ruux kaste oo miskiin ahana jirey, oo markuu welfo malabsiga, kalsoonidu ka halawdo, mar kuu is yidhaaho wax qari oo dembebes-na, ilayn umuu barane, uu isagu masaxaad isu qaato,  bal ila eega labadda wax ee in uu caynkaa yeelo ku kelifi kara:-
 
(1) Dr Sacad waa mucaarid qarsoon, misana raba in uu si yar oo doqoni ma garato ah, uu u kashifo waxa maamulka lagu sheegayaa waxa ay yihiin, isaga oo kolba in yar shicibka u biniixi-naaya. anigu Abdi-shotaly ahaan, waxan leeyahay halkaa noogu jir, wax weyn baad ummadda ogay-siisay,taas oo ah sidda loogu kala tegay, ee ay u noqotay qaataye-qaado. waayo maal-mihii ugu dambeeyey wadnaha baad xafuujisay maamulka askarta, shicib-kana waxad u soo ban-dhigtay qudhunkii la walaaqa-naayey iyo wixii la hadoodi-laayey, oo ay ka mid yihiin:-
(a)  80kii Milyan ee daynta ahayd, taas oo ay Wasiiraddii hore-na kugu dafirtay, oo si badheedh ah ay u tidhi lama ogin, mana jirto waxa ay sheegayaan maamulka askartu, deyn aanu kaga tagnayna ma jirto, Hadana wixii aad si cad uga sheegtay Golaha Baarla-maanka, aad misana xagga kale ka gediday, oo aad dafiraad isla soo taagtay ah, maba odhan sidaas iyaba waa yaabe.
(b) Ka dar oo dibi dhal weeyaane, caamir waa saleelee, annaa haatan caymadiye, buu yidhi wadaadkii waalaaye. Mar kale ( waa daraade) buu hadana Dr Sacad shaaca qaaday, oo yidhi Dekedda iyo saldhiga Imaaraadka Carabta la siiyey, kiro-ba muu hayn, waxa la dhaaf-saday, wadadda Berbera ilaa Tog-wajaale isku xidha in ay dhisaan.
(c)  Waa ceebeey tacaale, hadana shalay markii la weydiiyey ee la yidhi, kiradda Dekedda iyo saldhigu ma ku jiraan Miisaaniyadda, wuxuu af buuxa ku sheegay in ay sii qaateen, maamulkii Siilaanyo, oo aanay ku jirin, isaga oo sidaas yidhi buu misana isagu is buriyey mar afraad, oo markii madaxtoo-yadda laga soo yidhi maxaad sidaa u tidhi, misana ku dhawaaqay way ku jirtaa, bal muwaadin adigu gees u raac, duruuf-taas uu intaas oo marxala-dood ku kala hadlay.
(d) isku soo duuboo, Waxan qaba marka hore ayuu runta sheegayaa Dr Sacad, marka askarigu ku yidhaaho sidaas maxaad u tidhina, Siddii la yidhi u sheeg buu ugu dhawaaqaa, mar-kaas oday-gu denbi ma leh, ee dantiisa buu meesha ugu jiraa, waxna inoo sheeg aynu wax ku qaadano.
(2) Qodobka labaad waxa weey, Dr Sacad wuxu rabaa in uu ku wareego Mucaaridka, sidaas awgeed buu u sii kashifayaa, oo uu is leeyahay fidh-fidhka u sii qaad, kolay waa adigaa sii socdee, taasina ummadda waa u dan, in uu waxa meesha yaala u sii cadeeyo iyo sidda loogu talax tegay.
 
* Waxan ku soo qoofalay qoraalkan, oo aan filayaa in aanu Dr sacad, ku sii waari doonin xilkan uu hadda hayo, waxana jira sheekooyin odhanaaya, askariga bay is af-garan la'yihiin, mana eryi karo, oo siro badan buu ka hayaa, kuwaas oo soo taxnaa ilaa iyo intii uu Qudhmiye Maamulka dalka  la wareegay ee 2010kii. Waxa kaloo jira in askariga iyo Dr Sacad ay xisaabo badani iskaga xidhan yihiin, kuwaas oo ah hantiddii jeebka lagu shubtay, ee Imaaraadka, wixii doorshadda lagu boobay, ee ah dayntan iyo kirooyinka la isku riix-riixaayo, ee kolba sawir loo yeelaayo. ugu damabyn Muwaadin, waxad ila dhawr-taan mudo aan sidaas u sii fogayn, Dr sacad oo la eryey ama iskii isaga tegay, oo is casilay, ilayn imika kiishad walba buux-saye.
 
* N. B Hal La Qalay Raqdeed Baa, Lagu Soo Qamaamoo, Qolof-tiyo Lafii Baa Lagu Liqay Qalaylkii Kulaykii!
Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.