Ujeedada Kulan Addis Ababa Ku Dhexmaray Madaxwaynaha Somaliya Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.


(Hadhwanaagnews) Monday, February 11, 2019 13:15:52
ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha.

Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada.

Farmaajo oo ka hadlay shirka AU­da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la




xidhiidha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.