Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray, Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cali Maxamed Xuseen (Cali Baadiye)


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 05:57:30
asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsi Madaxweyne: 12/02/2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamed Xuseen (Cali Baadiye) oo ku geeriyooday caawa  oo ay taariikhdu ahayd 11/02/2019, Magaalada Hargeysa. 

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka Ganaraal Maxamed Cali Baadiye oo uu marxuumku




aabihii ahaa iyo dhammaan qoyska reer Cali Baadiye.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.