Kaftanka caawa, Jacayl, Jacayl Jacayl


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 06:03:21
Xaakinkii , Anigu lacag ma qaadano , lkn dadka ayaa lacagta qaata , kuwaas ayaana sameeya musuq maasuqa .

Qoraa asalkiisu yahay Hindi kuna nool wadanka Maraykan ayaa buug uu leeyahay oo la yidhaahdo Freedom is not free , wuxuu ku qoray sheeko aad iisoo jiidatay oo sidan u taala .

Nin ayaa Maxkamad usoo dacwooday , dabeeto xaakinkii dacwada u hayay iyo ninkii dacwoonayay ayaa maalin sheekaystay ,

Ninkii ayaa ku yidhi xaakinkii , Maxkamaduhu dadka si cadaalada wax uguma kala xukumaan ,

Xaakinkii , Maxkamaduhu cadaalad bay wax u xukumaan, cadaalad darana ma sameeyaan .

Ninkii , waxaa qaadataan laaluush ,oo lacag baa la idin siiyaa .

Xaakinkii , Anigu lacag ma qaadano




, lkn dadka ayaa lacagta qaata , kuwaas ayaana sameeya musuq maasuqa .

Ninkii , oo dadku sidee bay u qaataan lacag , musuq maasuqna u sameeyaan ,

Xaakinkii , Adiga ayaaba ka mida kuwa lacagta qaata , ee musuq maasuqa sameeya .

Ninkii , yaaah , oo sidee baan u sameeyaa .

Xaakinkii , Doorashooyinka ma codaysaa ?

Ninki , haa oo waan codeeyaa .

Xaakinkii , maxaad xisbiyada ku kala doorataa .

Ninkii , waxaan ku kala doortaa , xisbiga aan jecelahay baan u codeeyaa .

Xaakinkii , Jacayl ,jacayl , waan ku fahmay , waayo hindidu lacagta ayay jeceshahay markaa xisbiga aad jeceshahay saw ka lacag ku siiya maaha .

Ninkii , kkkkkkk . Xisbiga lacag i siiya baan u codeeyaa .

Xaakinkii , markaa adiga ayaa sameeyay musuq maasuq in aad cabatana xaq uma lihid .

Imika waa halka buugaase , hadaad aragto dad 90 kaba xiiqsan , dalka inay dadka ka jecel yihiin iska dhigaya , oo isuba haysta in ay keligood muwaadiniin yihiin , waxba hala yaabin , waxa hayaa waa jacayl , Soomaaliduna waxay jeceshahay qabiil , qabiilkaas ayuun baana ka hadlinaya .

W/Q: Axmed Nuur Guruuje.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.