Asxaab badan baa igula kaftanta , waar horta nin Qaran baad tahaye , maxaad mar walba Ardaaga dabada u gelisaa , markaa asxaabtaa waxaan leeyahay.
Saaxiibayaal horta waa mad hadsantihiin , isku aragtina waynu nahay , laakiin hal baa i hor taagan ,
Somaliland sidii la isu dhex mushaaxayay ee xisbiyadu isu dhex qaadayeen , waatii Shirkii
Burco la qabtay , goor roon waatii Samsam alle hadliyey ee ay tidhi , Waarso iyo Naato sidooda ayaynu kala xulifo nahay , ayaamo dabadeedna waakii Buurmadow dhexda marada ku xidhay ee siidhiga ku dhuftay , ayaamo kale dabadeedna asxaab badan oo uu calanka u sido , saaxiibkay Aaden-beder Jaamac oo aanu meel ka wada ridaynay waatay xaga kale kasoo jeesteen , dee markaa ha moodina in aan qaldanahay , maalintaa dabadeed yabaalka ayuun baa ila hadlayoo , mar walba igu leh , godkaaga haka bixine .