Qoraa Maxamed Baashe Qoraaliikusu Waa Cadho Iyo Been Abuur Aan Meelna Haysan.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 14:32:55
Hadii kale waxaa meesha ka cad in maxamed baashe markii uu ku fashilmay in uu xil ka qabto xukumadan

Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada guud ahaanba.

 
Intaasi ka dib  waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaahdo qoraal been abuur iyo aflgaado qaawan isugu jira oo uu qorey ninka maxamed baashe la yidhaahdo ee qoraaga ah.
 
Qoraalkaasi  markii aan akhristay een baadhay waa qoraal ah been cad iyo cadho hunguri ka kacday oo lagu aflgaadeeyay madaxweynaha,J. somaliland musse bixi cabdi,waxa aynu wada ognahey in maxamed baashe aanu waligiis ka hadal dowladii  uu madaxweyne siilaanyo hogaaminaaye ,balse maanta wax uu durbaba qalinka u qaatay aflgaado qaawan iyo waliba been abuur cad ,ceebayn aan geedna loogu




soo gaban.
 
Sidaasi daraadeed  maxamed baashe waa in uu ummada u keenaa cadayn  iyo meesha lacagta uu sheegaayo lagu qaatay.
 
Hadii kale waxaa meesha ka cad in maxamed baashe markii uu ku fashilmay in uu xil ka qabto xukumadan , J.somaliland uu maciin biday aflgaado  iyo ceeb la marmariyo madaxweynaha, J.somaliland oo uu waliba gabayo aflgaado ahna soo qaatay.
 
Somalida ayaa tidhaahda" layligu waxa uu ka didaa  biyaha korkiisa saaran " ,markaasi maxamed baashe waa dadka ka xanaaqey la dagaalanka  musuqmaasuq  ayaa loo macnaysankaraa qoraalkiisa.
 
Qore: Tahir hussein.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.