Somaliland Shaqo Badan Ayaa U Taalla, Wada Hadalka Ka Hor


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 12, 2019 14:52:03
Waxaan si wayn u aamminsanahay in Somaliland ay dawayn karto tabashada deegaannada qaar

Somaliland waa dal intiisa badan ku midaysan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, hase yeeshee waxa jira aragtiyo taa ka geddisan oo ka jira deegaanada qaarkood, guud ahaan  marka aad u dhabbagasho tabashooyinka deegaanadaasi waxa ay salka ku hayaan arrimaha saami qaybsiga iyo waxyaabo  la halmaala,

Waxaan si wayn u aamminsanahay in Somaliland ay dawayn karto tabashada deegaannada qaar ka jirta gaar ahaan darafyada,  waynu ku qasbannahay in aynu dhegaysanno darafyada waayo




Somaliland ma kala maaranto marnaba,darafyaduna dalka ayay inala leeyihiin.

Wadada hadalka Somaliland  iyo Somalia waxa uu ugu dambaynta ku soo idlaanayaa in Somaliland afti dadweyne oo caalami ah laga qaado, waxaan shaki ku jirin in haddii Somaliland sidan ay hadda tahay ugu badheedho in afti laga qaado in arrintu waji kale yeelanayso,  wada hadalka Somaliland iyo Somalia waxa igala muhiimsan in Somaliland gudeheeda ka diyaar garawdo oo shacabkeeda midayso,     qaddiyadda wada hadalka waxaan ku talinayaa in dib loo dhigo inta aynu si mug leh uga diyaar garoobayno.

Yusuf Cabdi Maxamed

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.