Waxa xalay ka qabsoontay galbeedka London xaflad balaadhan oo qaadhaan urrin ah iskuulka Maxamuud Axmed Cali Hargaysa Somaliland.
Xaflada
waxa daadihinay Suldaan Mubarik Cumar Ibrahin .xafladaas oo ay soo qaban
qaabiyeen ardaydii iskuulka dhigan jirtay wakhtii dagaalda ka hor
(1988) ardaydaas oo isku xilsaartay dib u dhiska Iskuulkaas oo dayac
badani ka muuqday horana wax badan uga qabtay qalab badan geeyay.
Xafladaas oo ay isugu yimaadeen dhamaan bulshada kala duwan ee ku
dhaqan UK ee reer Soomaliland oo aan si kala hadh lahayn madasha u soo
buux dhaafiyay .xaflada waxa furay Guddomiye Xuseen Askar oo ka
warbixiyay waxqabadki gudigiisa & halka wax u marayaan si baaldhana
ugu mahad celiyay dadkii madasha soo ajiibay dadakana ka codsaday in ay
kaalin laxaadleh ka qaatan dib u dhiska iskuulka Maxauud Axmed Cali
Hargaysa Somaliland. Intaa ka dib waxa hadalka lagu wareejiya Safiirka
Somaliland u fadhida Wadankan UK Marwo Ayaan Cashuur warbixin koobana ka
jeedisay madasha kana hadashay qiimaha ay waxbarshadu leedahay kuna
bogaadisay gudigan is xilqaantay ee wax qabadka muujiyay qof kasta oo
madasha fadhiyana ka codsatay in uu ka qayb qaato qaadhanka iskuulka wax
loogu qabanayo gaar ahaan Xisbiyada Qaranka oo goobta joogay waxaany
halkii kaga dhwaaqday $1000 .waxa isna hadalkii qaatay Ambasidor
Diinaari oo ka yimi waddanka Denmark oo ka mid ah madaxda Xisbiga
Waddani mahadcelin balaadhan ka dib waxaan ku faraxsanahy in aan
idinkala soo qayb galo xafladan quruxda badan oo sida bilan loo soo
agaasimay hadaanu Xisbiga Waddani nahayna waxaanu qaadhaanka kaga qayb
qaadanayna $1000 isla goobtiina lacagti wuu ku wareejiyay.Gudoomiye ku
xigeenka 2aad UK, goobta mahadcelin ka dib goobta kaga dhawaaqay
$1000,sidoo kale Xasan Macalin oo matalayay Xisbiga Ucid ayaa goobta ka
jeediyay taariikhdii Maxamuud Cali waxaanu qaadhanka ku dhawaqay $1000
,Xildhibaan Kaltuun baanday oo ka soo baqooshay Sheffield oo goobta
hadal kooban ka jeedisay taariikhdi Aabihii waxbarashada
Soomaaliland/Soomaaliya Maxamuud Axmed kuna tlmaantay wax laga xumaado
in maanta qaadhaan loo ururinayo iskuul huwan magaci Aabihii
waxbarashada Dadkana ku boorisasy in si mug & miisaanleh looga qayb
qaato.
hanka iskuulan loo ururinayo.Bahda Isboortiga Mohamed Badhsab &
Basalo oo hadal kooban goobta ka jeediyay waxay ku yabooheen £2000
.Gudoomiya jaaliyada SSUK oo goobta ka hadlay aadna ugu farxsanaa
waxqabadka jaaliyada uk wax qabdkooda wuxu goobta ka cadeeyay in ay
£1500 bixin doonaan hadii ilaahay Yidhaah. Gudoomiyihii Jaaliyada Bariga London
oo xaflada bogaadiyay ayaan isna goobta ka sheegay in bixinyaayaan
$2500 hadi ilaaha yidhhahdo .intaa ka dib dadkii xaflada ka soo qayb
galay ayaa iyaguna si aan hagrasho lahayn gacanta u boobay iyagoo isku
qoray lacagayow kala duwan $500,300,200,100 .Gabagabdii waxa xaflada
lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf fanaantii qaranka & xubno kale oo
muhiim kaalin xoogan ka gaystay taburaca iskuula. Waxa kale oo madasha
ka hadlay Ambasodar C/risaq Afqaraf, Xusen Asad,
Deeqa,Asma,sahra,Mushtaaq. Xafladiina waxay ku dhamaatay Guul.
Soomaalind allow dhawr!.
Allaa mahaleh
Mustafa Ismail kanadi