Berri ayuu Madaxweyne weydiiyay sadex Wasiiradiisa ka mid ah
Madaxweynihii (2+2=5) laba laba loo geeyay ma shanbaa ?
Wasiirkii kowaad wuxuu ku jawaab celiyay haa waa = 5
Wasiirkii labaad haa waa = 5 hadii HAL lagu daro
Wasiirkii sadexaad wuxuu yidhi madaxweyne maaha,e waa = 4
Aroortii labaad waxay Shirkii ka waayeen Wasiirkii sadexaad , waxaana loo sheegay in laga maarmay oo la eryay!!!
Raiisal wasaarihii ayaa yaabay ka dib waxa Madaxweynihii weydiiyay maxaa loo eryay WASIIRKII SADEXAAD?
Madaxweynihii ayaa ugu jawaabay
Wasiirka koowaad : waa beenaale isaguna wuu is ogyahay inuu beenaale yahay (Noocan waa loo baahan yahay)
Wasiirka labaad waa nin maskax badan waanu is ogyahay inuu maskaxbadan yahay WUU KA AAMUSAA WAX BADAN (Noocan oo kalena waa loo baahan yahay)
Ninka sadexaad waa nin runta sheega waanu ogyahay inuu DAACAD yahay WAXBA MA QARIYO (Waa nooc dhib badan la-lama dhaqmi karo )
Madaxweynihii ayaa dib u weydiiyay RAIISAL WASAARIHII (2+2=5) laba laba loo geeyay ma shanbaa ?
Raiisal wasaarihii wuxu ku jawaabay : hadalkaaga waan fahmi kari waayay Madaxweyne , waayo anigoo kale maba garan karo HADALKAAGA AQOONTA IYO INDHEERGARADNIMADU KA MUUQATO
Madaxweynihii intuu aad u qoslay ayuu yidhi adigoo kalena Waa MUNAAFIQ (NOOCAAGA OO KALENA AAD AYAA LOO JECEL YAHAY)
Waa darajooyinka kala duwan ee munaaqnimada iyo guulwadayta ka jirta dhulka Soomaalida oo dhan waxaa keena dadka oo AQOONTA IYO KALSOONIDU ku yartahay loo tartamaayo sidii looga agdhawaan lahaa keliya kursiga u sareeya , weynu u guuri doonaa XAL MAAHEE WAA XUL
Waxaan qirayaa in ay aad u yartahay mudo xileedkii madaxweyne muuse biixi kursiga Waa aragtidayda saxna wey noqon kartaa mid khaldan wey noqon kartaa .
Allaa Weyn Oo Awood leh
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!