Hogaamiye Xirsi Oo Cadeeyey Dood Ay La Hortageen Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Saabsan Heshiiskii Fashilmay Ee Doorashada

Tuesday August 27, 2019 - 19:28:55
Hogaamiye Xirsi Oo Cadeeyey Dood Ay La Hortageen Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Saabsan Heshiiskii Fashilmay Ee Doorashada


Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay dooda ay la hortageen madaxweyne Muuse Biixi wakhti ay shir ka yeesheen heshiiskii xisbiyadu ka gaadheen doorashooyinka ee baarlamaanku horistaagay.

Image result for xirsi cali xaaji xasan

Hogaamiye Xirsi ayaa qoraal uu baahiyey waxa uu ku cadeeyey mawqifka ay la hortageen madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-


Waxaan shalay ka qeyb galay kullan ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay taariikhdu aheyd 26-kii/08/2019. Kullankaas oo dhex maray Madaxweynaha iyo xisbiyadda qaranka JSL, fadhiga ayaa ahaa mid lagaga wada hadlayey sii amba- qaadka heshiishkii saddexda xisbi qaran hore ugu galeen Madaxtooyadda Somaliland 27-kii/7/2019.


Ugu horreynba Madaxweynuhu waxa uu qiray in uu ixtiraamayo heshiishkii dhex maray saddexda xisbi qaran, halka Xisbiyada Mucaaradka ahina ay madasha si weyn uga muujiyeen dareenkooda ay ka qabaan in si khaldan oo baal-marsan sharciyadda dalka la isu hor-taagay heshiishkii saddexda xisbi qaran galeen, kaas oo mucdiisa u weyni aheyd in xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo hore u ahaa 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood.


Labada Xisbi Mucaarad waxa ay Madaxweynaha si waayeelnimo ah ugu soo jeediyeen in heshiishkii xisbiyada uu Madaxweynuhu meel mariyo maadama oo mas’uuliyadda doorashooyinka dalku isaga guudkiisa saaran tahay.
Sida oo kale Madaxweynuhu waxa uu dhankiisa garwaaqsaday dareenka xisbiyada qaranka isaga oo ballan qaaday in uu qoraal ku soo gudbin doono mawqifkiisa ku wajahan arintaas ay hogaamiyayaasha labada xisbi kala hadleen isaga oo tilmaamay in uu tix-gelin weyn siinayo soo jeedinta xisbiyadda mucaaradka ah.


Xisbiga WADDANI waxa uu cadeynayna in aanu jirin wax heshiis kale ah oo la isla gaadhay haba yaraate, Waxa ay xisbiyadu wali ka sugayan Madaxweynaha qoraalkii uu u ballan-qaaday in uu soo diri doono dhawaan.


Dhanka kale labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxa ay Madaxweynaha si weyn ugala hadleen xallinta mushkiladaha ka taagan gobollada bariga dalka iyada oo loo marayo dariiq wada-hadal iyo marin nabadgelyo sidii Somaliland dhaqanka u lahaan jirtay kuna soo caano maashay, Madaxeynuhuna waxa uu ka muujiyey dareen wanaagsan in sida ugu haboon uu tix-gelin u siin doono meel marinta qodobada laga wada hadlay.


Ugu dambeyntii, Xisbiga WADDANI waa mid mar walba diyaar u ah doorasho wakhtigeedi lagu qabto oo dalka ka dhacda, sida oo kale-na waxa uu xisbigu cod- dheer ku sheegayaa in wax kasta oo caqabad ku ah doorashooyinka dalka in wada-hadal iyo is afgarad lagu dhammeeyo.
ALLAA MAHAD LEH


     
Loading...